Weligaa Nolosha ka EEG Dhinaca wanaagsan:

Qoraaga la yiraahdo Ibrahim Al fiqi oo ah qoraa caan ah ayaa Buugaagta uu qorey waxaa ka mid ah Buug uu ugu magac
darey (Fikirka Wanaagsan) waxaana qeybo ka mid buugiisa uu kusoo qaatey qiso yar oo dhex martey laba wiil oo
dhalinyaro ah oo meel kawada shaqeynayey waxaana la kala Oran jirey Muncim iyo Samiir.
Labadaa dhalin yarada ah mudo markii ay meel ka wada shaqeynayeen ayaa waxaa dhacday in shirkadii ay u
shaqeynayeen madaxdeedii ay u yeereen waxaana lagu yiri shaqadiinii waan ka maaranay waadna fasaxan tahiin,
dabeedna arintaa markii shirkadii labadii dhalin yarada ahaa ay u sheegtay aad bay u walaaceen mid ka mid ah
dhalinyaradii ayaa wuxuu yiri hadii shirkadani ay shaqadii inaga eriday Insha allah beriba mid kalaynu helaynaa oo weliba
mid ka fiican baynu heli karaynaa ee aynu raadsano, kii kalena wuxuu yiri maya sheekadu sidaas maaha meeshani shaqo
lama heli karo waayo shaqadu helistaadu waa ay adagtahay oo shaqooyinka way wada buuxaan cid ina qaadanaysaa ma
jirto nimankaa shirkada madaxda ka ahna waa ay ina dulmiyeen halkaasuu ka galay sheekadii.
Wiilashii dhalinyarada ahaa waa ay kala tageen kii dhinaca fiican wax ka eegay markiiba shaquu raadsaday oo wuu u
howl galay meela badan ayuu codsiyo u qortay mudo ka bacdi kolba meel markuu tagaba markii dambe Bangi ayuu
shaqo ka helay, dabeedna bankigii buu kor uga sii kacay oo dalacey ilaa uu noqday qof bankiga farac ama laan ka mid ah
maamule ka noqdey.
Wiilkii kale waxa uu ku dambeeyey walaac iyo walbahaar iyo in maalin kasta uu ku cel celiyo waalay dulmiyey si khaldan
baa shaqadii la iiga eryey ka dibna noloshiisa waxa ay noqotey nolol mugdi ah ka dibna uu shaqo waayo hurdada ay ku
yaraato, daawashada telefishanka uu badsado Aakhirkiina uu ku abuurmo cudurka isku buuqa (Mental Distress)
Dulucda qisadani waxa ay tilmaamaysaa qofka waa sida uu u fikiro hadii fikirkaagu aad dhinaca wanaagsan ka eegto oo
aad ogaato noloshan inaad wax qabsan karto adigoo Alle kaashanaya waa ay kuu hagaageysaa noloshu dhinaca fiicana
waad ka galaysaa hadaadse wax walba dhinaca xun ka eegto, oo dhinaca mushkilada aad ka eegto ugu dambeyntii
waxaad noqonaysaa qof aan meel gaarayn oo nolashiisa inta badan dhibaato ku noolaada waxaana muhiim ah qofka
inuu wax walba dhinaca wanaagsan ka eego