HOGGAAMI NAFTAADA
HOGGAAMI NAFTAADA
Hoggaami naftaadu waa inaad hagto, badbaadiso,
balaadhiso, bidhaamiso, kobciso, kor u qaaddo, kaafido,
xorayso, u hawl gasho noqotana horseedaha, huraha u
haggar baxa, hiil iyo hooba leh, horumarshaha, hindisaha, heelanaha, heegan u ah waxkasta oo naftaada khuseeya horumarkeeda iyohoggaaminteedaba.
Summadaha hoggaamiye
Lagu hayb yaqaannaa
Waa hayal samaantiyo
Kibir laga hayaamiyo
Huwashada xaqiiqdiyo
Habka dhaqan adoonnimo
Hogashada Ilaah garad
Hanku kaaga dhaartoo
Himilida dan guud iyo
Dadka horumarkiisiyo
Hilin toosan raaciyo
Ifku waa habeennee
Halhays fiican reeb uun
Halgankiisu uu yahay.
(Abwaan Xasan Daahir Weedhsame)
Naftaadu waa amaano iyo masuuliyad Eebbe ku saaray, waana ballan in lagaa xisaabin doono inaad ka soo baxday masuuliyadda iyo amaanada naftaada.
Qofkasta waxa uu jecel yahay in uu noqdo hoggaamiye
oo hagaajiyo adduunka, waana arrin aan u wada
heelannahay.
Daliil waxa inoogu filan, dareensiinta uu ina dareensiiyay nabi Maxamed (scw).
Haddii saddex qof wada socdaan mid hoggamiye ha u noqdo labada kale.
Tusaale kale sida salaadda jamaacada. Nolosha waxkasta wuxuu leeyahay asaas iyo meel laga
soo bilaabo.
Akhriste dadka badankoodu waxay jecelyihiin inay
dunida hoggamiyaan balse ma wada noqon karno
hoggamiyaayal ummadeed. Balse waxaa inoo bannaan
boos ka mihiimsan kii kale oo ah inuu qofku hoggaaniyo naftiisa, waana seeska iyo asaaska hoggaminta dhabta ah.