Hilinada hoggaminta nafta
Hilinada hoggaminta nafta
Imisa qof ayaad maqashay inay ku guulaysteen
riyooyinkoodii baal dahab ahna ka galay taariikhda,
sharafna soo hooyay, mansab, maamuus iyo magacna
helay.
Bishaaro, ogow in aan waxba dunida la gaadhin, iskana
iman uun. Balse ay u baahan tahay u jeeddo, hadaf,
dadaal, dhabar adayg, samir, hiigsi iyo himilooyin fog,
una hagar baxdo hankaaga, soona jeedo hadh iyo habeen, fikirto, fahanto oo ficil u badasho.
Akhriste waad tahay hoggamiye aanad ogayn (habeen
kaliyaatana hoggamiye laguma noqdo). Waa mid qaadan doonta waqti oo aad la kacaa kufi doonto.