Sabab aan xidhiidh jacayl u samayn waayay

Sabab aan xidhiidh jacayl u samayn waayay! “Goorta aad ku tiraahdo waan ku jeclahay, waxaad ballan ku samaynaysaa qofkale qalbigiisa, waa inaad ku muujiso ficil si aad u caddayso.jacaylku ma aha qiiro kaliya, jacaylku waa ficil. Jacaylku ma aha dareen kaliya, jacaylku waa daryeel” Runtii qofka bani aadamka ahi wakhti yar ayuu haystaa oo kooban, sidaa darteed shalay way ku dhaaftay ma soo noqonayso waxa muhiim ah oo loo baahan yahay intaas yar ee dhalinyaranimada ah aad ka faa’idaysato. waayo arag noqo intaanad dhalinyaranimo bilaabin, waayo waxaa ku sugaya mustaqbalkaagii reernimo iyo qoyskiina, runtii inaad aayar uun ka dhex baxdo waa burbur mustaqbal, sidaa darteed xidhiidhka wiilasha ama gabdhaha wakhti isku dhaafiska ah inaad iska ilaaliso ilaa iyo inta aad riyadaada ka run sheegayso hadii kale oo ay kaa dhab tahay inaad guri asaasto oo aad dhisto isa su’aal oo isweydii.  Qofkani yuu yahey?  Ma qof doonaya inuu nolosha ila wadaago mise waa wakhti iskalumin uun?  Ma wuxuu doonayaa inuu noloshayda ku ciyaaro oo uu riyadayda baabiiyo mise inuu kor u qaado oo uu hagaajiyo? Laakiin anigu waxaan kugu waanin lahaa akhriste illaa aad riyadaada dhabta ah aad gaadhayso ka fogow oo ka dheerow xidhiidhka iyo jacaylka beenta ah.
Badbaado qof doonayow Kashaada dareen ku beer Dareenka samaa ku beer Indhaha dib u soo muslimi Ilaahay dartiis ku eeg Daliilka hortaada yaal (Hadraawi)
Powered by Blogger.