WAA MAXAY WAX- AKHRISKU

WAA MAXAY WAX- AKHRISKU? Wax akhrisku waa waxa aduunka oo dhan laysku dhaafay ee calamkana lays kugu faano ee wax tar iyo fa’idaba u leh aduunka. Akhrisku wuxuu u dhexeeya akhriyaha iyo waxa la akhrinayo, waxyaabaha aad akhriyayso waxey noqon karaan buug, jaraa’id, kitaab IWM. Ujeedada aad wax u akhrinaysaa waxay noqon kartaa madadaalo, cilmi korodhsi IWM. Dadka wax kala gadisan akhriyaa waxa lagu tilmaama dad ka caqliga usaaxiibka ah. Sidoo kale waxa la tilmaama qof ka wax akhriyaa wuxuu jiraa saddex qarni! Siduu ujiraa:- 1. Qarnigii tagay wuxuu ka akhriyay buugtii laga qoray, oo uu hayaa sooyaalkoodii. 2. Qarniga jooga wuxuu akhrinayaa buugtii laga qoray ama se indhihiisaa u macalina. 3.Qarniga kasoo socda oo waa uu saadaalin karaa rajada aayaha. Qalinkaa wax suureeya Kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Sunto fara ku hayn-tiisa Waligaa ha sii daynin... (Hadraawi)
Sidoo kale haddaad rabto inaad noqoto qore wanaagsan waa inaad ahaata akhriye wanaagsan. Maalinta aad iskuulka joogto ama jaamacada waa inay noqotaa maalin wax cusub kuu soo korodheen, sidoo kalana,wakhtiga aad ka maqantahay goobaha waxbarashada waa inay noqotaa wakhti aad wax baranayso, si aad tan usamayso waa inaad wakhtigaaga maamushaa. Waxa kale oo uu wax akhrisku kaa dhisayaa dhanka aqoonta oo waxa manta lagu shaqaynayaa oo magaalada laysku dhaafay waa wax akhris iyo fikir, hadii uu wax akhriskaagu heersare marayo maxaa kuu diiday in aad walaalahaaga aan aqoon sida wax loo akhriyo amaba aan danaynayn aad ugu dhalin lahayd sida wax loo akhriyo ama aad u jeclaysiin lahayd oo aad u tusi lahayd in qofka wax akhriya iyo qofka aan akhriyin inay kala aqoon badan yihiin, kala fikir fiican yihiin hadii maanta la eego dadka wax yaqaana waxa ugu badnaanaya dadka wax akhriya.
Powered by Blogger.