Samayso saaxiib wanaagsan
Samayso saaxiib wanaagsan
Toloow saaxiibka wanagsani waa kee?
Yaa la yidhaa saaxiib?
“Hadii aad ka cabsan jirtay kelinimada (cidlada).hada
ka cabso inay saaxiib kuu noqdaan dad xun balse
ogsoonow inaysan jirin dunida qof dhamaystiran”
(Hamse samotalis)
Akhriste qofka aad saaxiibka la noqoneyso iska eeg, ma qof wanaagsan baa mise waa qof xun kana eeg xagga:
Dhaqanka
Dabeecadda
Aqoonta
Saaxiibnimada muu xidhiidhiyaa mise waa laba cisho uun bes.
Maxaan ku gartaa saaxiibka wanaagsan? Astaamihiisu
waa sidee? Waa sidan soo socota:
Saaxiibka wanaagsan waa midka dhaqankiisu wanaagsan
yahay oo had iyo jeer wanaagga ku fara adigana,
xumaanta Kaaga diga.
Saaxiibka wanaagsani waa ka markasta ku xasuusiya
ilaahay cabsidiisa, is hortaaga ilaahay kaagana diga qabri iyo qiyaame.
Saaxiibka wanaagsan waa ka ku bara dulqaadka,
deeqsinimada iyo samirka markastana dadka kale aan
kaaga sheekayn xumaantooda.
Saaxiibka wanaagsani waa kan had iyo jeer ka muuqda
meelaha khayrka sida:
Masaajidada, madaarista iyo goobaha cilmiga
iyo meel kasta oo wanaag lagu hayo.
Saaxiibka wanaagsan waa kan kugu la taliya danahaaga kuguna dhiirri galiya wanaagga iyo wixii dani kuugu jirto.
Saaxiibka wanaagsan waa ka kula farxa markaad
faraxsan tahay marka aad murugaysan tahayna ku
sabirsiiya, marka aad cadhootana ku qabta.
Saaxiibka wanaagsani waa ka hadalkiisu ku
dhiirrigaliyo kuna soo jiito dareenkiisu.
Saaxib la aan waa dhib hadana iska ilaali saaxibada Qaar kood Mahad sanid