GO'AANSO WAXAAD RABTO NOLOSHA
Ma garanayo waxaan nolosha rabo!
Magaranayo waxaan ku sameeyo noloshayda!
Ma garanayo waxaan doonayo inaan noqdo!
Mana garanayo hadafyo aan dajisto nolosha!
Hadaladani marar badan maskaxdaada maku soo dhacaan oo ma
iswaydiisaa? Haddii aad hore isku waydiisay, kaligaa ma'aha waxa jira
kumanaan qof oon garanayn waxay nolosha ka rabaan, sababtuna
waxay tahay waxay ku dawakhsan yihiin oo aanay si fiican u fahmin
waxay baahiyahooga dhabti ahi yihiin.
Sida Loo Ogaado Waxaad Dhab Ahaan U Rabto Nolosha
Haddii aad rabto inaad ogaato waxaad rabto nolosha, waydii su'aalahan
naftaada
Maku faraxsan tahay noloshaada. ? Haddii aanad ku faraxsanayn waa
maxay sababaha aanad ugu faraxsanayni? Miyay tahay nolosha aad
hada ku nooshahay noloshaad badanaa jeclayd inaad ku noolaato?
Maxaad doonaysaa inaad noqoto? Maxaad rabtaa inaad ku guulaysato
nolosha? Waa maxay waxa aad necebtahay imika noloshu eed jeclaan
lahayd inaad badasho? Ma jiraan waxaad si xun ugu baahan tahay?
Markaad ka jawaabto su'aalahan waxa kuu soo bixi doona liis ah
waxaad dhab ahaan u rabto Iyo waxyaalaha aad doonayso inaad ka
fogaato ee aanad rabin.
isticmaal labada liis ee kuu soo baxaba, si aad u samayso hadafyo kaa
caawinaya aad inaad gaadho waxaad rabto nolosha iyo waxa aad
doonaysoh inaad ka fogaato.
Tusaale ahaan, haddii aad ogaato in ay ku haysato dhib ah dhaqaale
xumo iyo lacag la'aani, sidoo kalena aad rabto inaad caan noqoto.
Waxaad heshay laba hadaf oo aad gaadho noloshaada. Waa mida
koobaade, waxaad go'aansatay inaad ka fogaato faqriga oo aad taajir
noqoto, kalabaadna waa inaad caan noqoto.
Qofkasta oo aduunka ku nooli waxa uu leeyahay baahiyo aanu gaadhin.
Dadka qaar ayaa raba inay ku noolaadaan nolol fiican, qaar ayaa raba
inay caan noqdaan, halkan qaar kalana rabaan inay taajiriin noqdaan.
Inaad ogaato hadafyadaada iyo waxa aad rabto noloshu waa mid aad u
fudud, marka aad ogaato waxa aanad rabin nolosha ee jeclaan lahayd
inaad badasho. Hadii ay kugu adag tahay inaad noloshaada iyo
biilkaaga dabarto, waxaa hubaal ah inad rabto inaad lacag badan hesho
oo aad taajir noqoto.
Haddii aad neceb tahay xaqiiqda ah inaad tahay qof xishood badan
waxaad rabtaa waxay tahay inaad kalsoonidaada dhisto.
Haddii aad tahay qof badanaa istarees iyo war-war badan waxaa dhaba
inaad rabto inaad ku noolaato nolol bilaa stress ah.
Dhab Ahaan Ma U Doonaysaa Inaad Ogaato Waxaad Rabto
Nolosha
Mararka qaar dad badan ayaa yidhaa in aanay garanayn waxay dhab
ahaan u rabaan nolosha, xaga xaqiiqdu tahay inay khiyaamayaan
nafahooga. Tusaalayaashan soo socdaa waxay ku tusi doonaan dadka
sheegta in aanay garanayn waxay rabaan nolosha iyagoo ku salaynaya
sababo kale
>Cabsasho : qofka ka cabsanaya inuu hore u qaado talaabo horumar
ah noloshiisu wuxuu la yimaado cudurdaaro ah in aanu garanayn wuxuu
rabo nolosha, halka xaqiiqdu tahay in uu isku dayayo inuu qariyo
xaqiiqda ah inuu cabsanayo.
>Caajis & Kaantarool la'aan: waxaa jira dad badan oo sheegta in
aanay garanayn waxay rabaan nolosha, halka xaqiiqdu tahay inay 100%
ka warhayaan waxyaabaha ay ku farxi lahaayeen haddii ay heli
lahaayeen noloshooda. Xataa dadkaasi waxay bilaabaan inay ku
dhaqaaqaan ka dhabaynta hadafyadooda iyo waxay rabaan nolosha
balse markay todobaad wadaan ayay joojiyaan iyadooy ugu wacan
tahay caajis, nidaam la'aan iyo naftoodayna kaantarooli Karin.
>Kalsooni la'aan: Dad badan ayaa sheegta cudurdaaro badan iyagoo
leh manaqaano waxaan nolosha qabano si ay u qariyaan xaqiiqda ah
inay ka baqanayaan inay tijaabiyaan awoodahooga isla markaana aan
ku kalsoonayn naftooda.
Imika waad ogaatay waxaad rabto nolosha
Kuma lihi inay noloshu tahay mid fudud oo aad waxkasta ku heli karto
isku daygaaga ugu horeeya, ama inaad dhamaan dhibaatooyinkaaga ku
dhamayn karto bil iyo laba bilood gudahood.
Balse waxaan hubaa waxay tahay, haddii aad si adag oo geesinimo leh
ugu dagaalanto waxa aad rabto nolosha inaad ugu dambaynta ku
guulaysan doonto.
Haddii aad dhab ahaan u doonayso inaad hesho waxaa aad rabto
nolosha u dagaalan.
Aamin inay riyooyinkaagu suurto gal yihiin
Dadka oo dhami waxay leeyihiin hadafyo iyo riyooyin balse, balse inyar
oo kamid ah dadkaa ayaa caydhsada oo daba socda hadafyadooda.
Sababta ugu weyn ee aanay dad badani u cayrsan riyooyinkoodu waa
iyagoon rumaysnayn inay suurtogal yihiin.
Qofka bili'aadanka ah waxay maskaxdiisu dhiirigalisaa oo kaliya marka
uu rumaysan yahay in dadaaladiisu ay midho dhali doonaan oo uu heli
doono natiijada uu rabo. Haddii maskaxdaadu aanay hubin in ka
shaqaynta riyooyinkaagu ay natiijo keeni doonaan iyo in kale wax
dhiirigalin ah ku siin mayso.
Tana waa sababta ay aadka ugu muhiimka tahay inaad barato sida loo
aamino inay riyooyinkaagu suurtogal yihiin.
Markaad bilawdo inaad aaminto in riyooyinkaagu suurto gal yihiin,
waxaad is arki doontaa adigoo si aan caadi ahayn ugu dhiiri gashan
inaad gaadho riyooyinkaaga, taasina waxay sababi doontaa inaad
gaadho.
fadlan nala wadaag fikir kaaga