Talaabooyinka qofka ka caawiya horumar

Talaabooyinka Qofka Ka Caawiya Horumar
Isbedel Oo Uu Sameeyo
1: Baraarug: Qofku marka uu ku baraarugo in ay wax ka maqanyihiin ama
se uu tabayo doorkii uu ka ciyaari lahaa nolosha waxa ku dhasha baraarug
waxna wuu tabaa laakiin uma kala cada waxaa uu tabaya mana aha wax uu
si gooni ah u garan karo.
2: Raadin: marka uu qofku baraarugo ee uu ka kaco hurdada waxa iskaga
qasan waxyaalo badan oo ah wixii ka maqna ama se uu doonayay inuu
qabto, deetana waxa uu galaa raacdo iyo raadis uu raadniyo waxaasi waxa
uu yahay taas oo uu haddii aanu ka soo laaban helo wixii uu doonayay inuu
qabto ama se ka maqnaaba ee uu tabayay.
3: Qorshayn: Qofku marka uu helo doorkii kaga aadana nolosha waxa uu
isku dayaa siduu u qaban lahaa taas oo aan ka maarmayn qorshayn si uu u
qabto, waayo qorshe la'aan waxba ma qaabaysmaan mana qabsoomaan
4: Qabasho: Marka uu qofku sameeyo qorshihii iyo sidii uu ku abaari lahaa
arinkaas ayuu gala hawlgalka oo ah qabashada taas oo uu u tafo xayto sidii
uu uga midho dhalin lahaa.
5: Samir: Marka uu qofku galo hawlgalkii ahaa inuu qabasho sameeyo oo
uu waxqabad ku kaco waxa hubaal ah hawl kasta oo qabasho loo bedelaa
carqaladaheeday leedahay waayo carqaladuhu waa waxa dadka kala saara.
Haddii aad intan sideeda ugu dhaqanto oo aanad is dhiibin waxa hubaal ah
inaad gaadhayso hadafkaagaa aad rabto gaadhaysana xariiqdaad doonayso
inaad gaadho.
Powered by Blogger.