Sidee loo xallin karaa ama looga hortagi karaa wahsiga

Sidee loo xallin karaa ama looga hortagi karaa wahsiga?
Dhammaan sababaha keena wahsiga ayaa looga guuleysan karaa
in aad samaayso waxyaabahan:-
1. Hadaf: waa in aan yeelanaa hadaf iyo meel aan doonayno inaan
so taabano nolosheenna, inaga oo raacinayna go'aan dhab ah iyo
dadaal joogta ah oon ku xaqiijinayno hadafkeenna. Dadaalka ayaa
muhiim u ah dabargoynta wahsiga, waxa uuna keenaa natiijo lagu
qanco taasoo laga gaadho wahsiga.
2 Qorshe: waa in qofku samaysto jadwal nololeed wakhtiyaysan si
uu u maareeyo shaqo kasta iyo wakhtigeeda; aadna ku qorto
maalin walba hawshaad galayso, waxayna kuu saamaxaysaa inaad
ahaato mid firfircoon, waxqabadna ku talaabsada. Qorshuhu waa
waxa fududeeyaa suurtogalna ka dhigaa hawl culus, oo aysan
macquul ahayn in hal mar la qabto. Qorshayta maalinla ahi waxay
udub dhexaad u tahay firfircoonida iyo maaraynta hawlaha
joogtada ah.
Cilmi baadhis la sameeyey ayaa lagu ogaaday in go‟aaminta
hawlaha shaqo ee maalintii ay habboon tahay in la dajiyo
habeenka ka horreeya, qofkuna uu seexdo isagoo maskaxda ku
haya qorshaha uu ku dhaqaaqayo ama shaqada u taalla waaberiga.Waxaa la aaminsanayahy in tani ay yareyso wahsiga iyo isku dhex
yaaca shaqada.
3. Seexo xilli hore habeenkii. Hurdada la seexdo habeenkii ayaa
faa‟iido ballaadhan u leh caafimaad qabka jirka iyo maskaxda.
Waa mid ka dhigaysa jirka mid uu ka buuxo tamar uuna shaqsigu
dareemo nasniino iyo nashaad. Maskaxda iyo jirka qofka ayaa
awood u helaya inay wajahaan shaqo kasta oo adag. Seexashada
xilliga hore ee habeenkii ayaa ka mid ah qodobbada lagu yareyn
karo ama lagu dabar jari karo wahsiga.
4. ilaasho wakhtiga: dhammaan dadku way u simanyihiin
wakhtiga. Kuwa guulaysta ee wax soo kordhiya ee naftooda iyo
ummaddodaba guusha iyo badhaadhaha u horseeda looma badin,
kuwa aan adduunka waxba ka qabsan ee ay noloshoodu
hoosaysana lagu ma yarayn.
Qof walba oo adduunka ku nool Ilaahay waxa uu siiyay 24-
saacadood maalin kasta. Kuwa guusha gaadha waa kuwa si fiican
u maareeya wakhtigooda si habboonna uga faa'iidaysta aminta
kooban ee ay haystaan. Halka kooxda kale ee nolosha ka dhacay
ay wakhtigooda ku qaataan nolol wahsi, hurdo, meer'meer, meelo-
fadhiisi, maxaa lalahaa iyo wax yaabo aanay wax faa'iido ah ka
helayn.Qof walba oo ilaashada wakhtigiisa wuxuu guusha uga
dhawyahay ku kastoo wakhtigiisa dayaca. Dhibaatada ugu wayn
ee bulshadeenna haysata ee aan lagu baraarugsanayn cid
dareensanna ay yartahay ayaa ah maarayn la'aanta wakhtiga.
Qorax kasta oo dhalataa waxay kuu sidaa waa cusub maalintaasi
iyadaa kaa faa'iidi oo cimrigaagay ka jari muddo 24 saac ah ama
aday guushu ku raaci oo qabsan shaqo ama hawl qarniyo badan oo
dambe lagugu xasuusto. Wakhtigeenna aan ku bixinno wax
aakhiro iyo adduun ina anfacaya.
4. inaad la saaxiibto dadka wanaagsan: la soco, la noolaw, ku
dayo, dadkana ka dooro kuwa hadafka iyo himmadda sare leh,
dadka go‟aanka adag wax soo saarka leh ee wax xaqiiya.
Kana dheeraw oo hala socon hana la saaxiibin ku nolosha ka
dhacay ee wahsada iska eeg cidda aad la soconayso iskana hubi
cidda aad saaxiib ka dhiganayso. Sababtoo saaxiib waxa uu ku
siiyaa waxa uu haysto, haddii aad la qaybsato waxa uu sito la mid
baad tahay oo waxa uu yahay un baad latahay.
5. Dhiirigali naftaada: Dhirigalintu waa shidaalka ugu wanaagsan
ee qof kasta ku shaqeeyo. Dhiirigali naftaada una balanqaad abaal
marin haddii ay ka lib keento ama ay dhamays tirto hawlihii cuslaa
ee aad u qorshaysay waajibna kaga dhigtay inay gudato. mararkaqaar ku abaalmari nafta waxyaabaha ay jeceshahay ee wanaagsan
sida: dalxiiska, safarrada iyo waqti la qaadashada dadka la
jecelyahay.
Wahsiga ayaa waxaa kale oo looga hortagi karaa habab ay kamid
yihiin, kalsooni lasiiyo nafta, isbarida go‟aan qaadashada, ku
dhiiranaanta shaqada, iyo jeclaanshaha shaqada aad qabanayso.
Maanta ka dhigo maalintaad iska casishay (joojisay), xubinimadiii
wahsiga, wax badan baad qabsan doontaa, in badanna waad
raaxaysan doontaa.
In aad ka xorowdo wahsiga waxay kugu qaadanaysaa waqti, waa
inaad u samirtaa oo aad joogtaysaa ficilladaad ku baabinayso
kagana hortagayso wahsiga.
Waqti kasta oo aad hore u qaado tallaabana waxaad dareemaysa
culayskeeda iyo faa'iidadeeda ee waa inaad hore u socotaa oo
aanad is dhiibin kana baxdaa xadka raaxada iyo is dhigashada.
ugu danbayn waxaan nafeheennna kula dardaarmayaa inaan Eebe
(SW) aan talo saarano, markastana aan ka magan galno wahsiga
iyo caajiska.
By Mohomed Nour (father of health Sciences)
Powered by Blogger.