Sidee Waqtiga Loo Qorsheeyaa
Sidee Waqtiga Loo Qorsheeyaa?
“Bini’aadamoow waxaad tahay maalmo, mar kasta oo maalin tagto; badh kaa
mid ah ayaa tagay” Xasan Albasri
Waqtigu waa nimco ka mid ah Nimcooyinka ugu qaalisan ee Illaahay (SWT)
inoogu deeqay si aynu uga faa’idaysano, waana mid ka mid ah waxyaalaha
Uu Illaahay inaga xisaabin doono Maalinta Qiyaame. Waqtigu waa cimriga
qofka waana hantida kaliyaata ee aan la kaydin Karin. Saacad kasta oo ku
dhaaftana waxaad u dhawaatay qabrigaagii, ma ogid intaad noolaanayso
ama se waqtiga aad haysato si aad u noolaato, laakiin waxaad u
baahantahay inaad ka faa’idaysato intaad neefsanayso.
Ma joojin kartid ama se waxba kuma dari kartid waqtigaaga laakiin waxaad
awood u leedahay inaad ka faa’idaysato.
Waqtigaaga oo aad qorshayso waa noloshaadii oo aad qorshaysay. Nolol
qiimo leh oo qaab qurxoon haddii aad rabtana waxa kaa xigta inta aad
waqtigaaga qorshaynayso.
Maxaa Waqtiga Loo Qorsheeyaa?
Qof kastaaba waxa uu jecelyahay, inuu nolosha meel sare ka gaadho; oo uu
noqdo mid waxtar leh laguna hirto.
Haddii aanad hawlahaaga iyo waqtigay kugu qaadanayso qabashadoodu kuu
qorshaysnayn, noloshaadu qiimo yeelan mayso, oo way dhadhan beelaysaa!.
Noloshu dhammaanteed way qorshaysantahay, oo Aduunyada idil
ahaanteedba Illaahaybaa qorsheeyey. Bal u fiirso ilbidhiqsigu waxa uu
sameeyaa Mirir, Mirirkuna waxa uu sameeyaa Saacad, Saacaduna waxa ay
samaysaa Maalin, Maalintuna waxa ay samaysaa Toddobaad,
Toddobaadkuna waxa uu sameeyaa Bil, Bishuna waxa ay samaysaa Sanad,
Sanadkuna waxa uu sameeyaa Qarniyo.
Haddii aad dayacday ilbidhiqsi ka mid ah waqtigaaga waxa aad dayacday
qayb ka mid ah noloshaadii.Waqtiga waxa loo qorsheeyaa in laga faa’idayso oo wax badan lagu qabsado
laguna noqdo qof wax soo saar leh oo la tartami kara filkii, Ogoow
Aduunyada waxaad u joogtaa tartan, oo waxaad u tartamaysaa inaad ku
guulaysato Janno.
Si aad ugu guulaysato tartankaas waxaad u baahantahay inaad waqtigaaga
qorshaysato.
Waxyalaaha waqtiga lumiya
1: Hurdada badan
2: Qorshayn la’aanta hawlaha
3: Waxyaalaha lagu madadaalo sida Muuqbaahiyaha (TV), Social Media
( Facebook, Whatsapp, Instigram, Twitter), Gaymamka (Play station) IWM.
4: Firaaqada badan ee qorshaha lahayn
5: Hadaf la’aanta
6: La kulanka badan ee asxaabta lala qaato
7: Ka qaybgalka Xafladaha aan muhiimka ahayn
8: Ku hadalka Mobile-ka waqtiyo badan
9: Mashquulka badan ee aan macnaha lahayn
10: Qabashada hawlo badan mar kaliyaata
11: Isticmaalka Maandooriyayaasha sida Qaadka.
12: Caajiska
Qaababka ugu wanaagsan ee loo qorsheeyo Waqtiga:
1: Faham: inaad fahamto dhibaatada kaa haysata qorshayn la’aanta waqtigu,
waa talaabada ugu horaysa ee kuu sahlaysa inaad waqtigaaga qorshaysato.
Haddii aanad ku baraarugsanayn arintaasna way adagtahay inaad ku kacdo
ficil aad ku qorshayso waqtigaaga.2: Qaado go’aan: hawl kasta marka la bilaabayo waxay u baahantahay inaad
ka gaadho go’aan cad, marka aad ogaato dhibaatada ay leedahay waqtiga
oo ka luma, waxay kuu sahli kartaa inaad ka gaadhi karto go’aan.
3: Tax Qorshayaashaada: soo qaado Buug iyo Qalin oo fadhiiso meel bilaa
buuq ah, qor oo tax dhammaan qorshayaashaada, ugu danbaya dooro
saddexda hawlood ee aad rabto inaad qabato kana gun gaadho.
4: Jadwal maalmeed samayso: Jadwal maalmeedkaagu waa talaabada ugu
way nee aad ku guulaysan karto taas oo kuu horseedi karta qorshe nololeed
oo cad, Marka aad qorshaysato maalintaada waxa hubaal ah in uu
toddobaadkaaguna qorshaysnaanayo, toddobaadkaagu haddii uu
qorshaysnaadana Bishaada ayaa qorshaysnaanaysa, Bishaadu haddii ay
qorshaysnaatana, Sanadkaagaa qorshaysnaanaya, Sanadkaagu haddii uu
qorshaysnaadana, Noloshaadoo dhanbaa qorshaysnaanaysa. ( Mar kaliya ha
isku dayin inaad hawlo fara badan qabato, ama aad deg deg isku badasho,
waxay qaadanaysaa waqti ee u samir)
5: Iska ilaali qabashada hawlo badan mar kaliya: inaad hawlo badan qabato
waxay ku dhaxalsiinaysaa inuu waqti badan kaa lumo wax soo saarkaaguna
hoos u dhaco, hawl kasta waqtigeeda sii oo mid kale ha u gudbin ilaa aad
dhamaynayso.
6: Is xisaabi: In aad habeenkii marka aad sii seexanayso, is xisaabisaa
waxay ku dhaxalsiinaysaa inaad ogaato natiijadii hawlgalkaaga, waxa kale oo
aad ka helaysaa dhiirigalin, sidoo kale waxaad ogaanaysa xaddiga uu
isbedelkaagu le’eg yahay.
7: Habeenkii Jadwal maalmeedkaaga sii samayso: bar bilowga maalintu waa
Salaada Subax, si uu kuugu fududaado hawl maalmeedkaagu, dajiso jadwal
maalmeedkaaga habeenkii, inta aanad seexan ka hor, taasi waxay kuu
sahlaysaa inaad subaxa marka aad kacdo hawlgakaaga aad ku gasho si
xamaasadaysan.8: Aaamin: haddii aanad aaminin inaad qorshayashaada ku guulaysanayso,
col hortii ayaad jabtay, aaminaadu waa awooda ku dhaxalsiinaysa inaad
hesho firfircoonida aad ku hawl galayso.
9: Ka dheeroow Caajiska: Caajisku waa awood dilaha qof kasta oo uu
haleelo, haddii aad qof caajisa noqotana hawlgal ma fulin kartid.
10: Talo saaro Illaahay: Dhammaan hawlahaaga Aduunyo waxa kuu sahli
kara Illaahay (SWT) hawl kasta oo aad u kacaysana haddii
aanad Illaahay talo saaran noqon mayso hawl midho dhal fiican leh.
By Mohammed Nour