Sideed Ku Horumarin Kartaa Shaqsiyadaada
Sideed Ku Horumarin Kartaa Shaqsiyadaada?
“Waxaad ka fikirto iyo sidaad u fikirto ayaa qayb wayn ka qaata shaqsiyadaada”
Xamse Tudhaale
Waa maxay shaqsiyadu?
Shaqsiyadu waa isku dhafka hanaanka fikir, dareen iyo dhaqan kuwaas oo
qofka ka dhigaya mid u eeg bulshadiisa uu la noolyahay ama se tuu ka soo
jeedo asal ahaan.
Marka aynu leenahay qofkaasi waxa uu leeyahay shaqsiyad wanaagsan
waxaynu uga jeedna waa qof la jeclaysto la joogistiisa iyo la noolanshihiisaba
waayo waxa aad jeclaysanaysaa hab fikirkiisa, dareenkiisa iyo
habdhaqankiisaba.
Qof kastaba waxa uu jecelyahay in la jeclaysto oo la xiiseeyo lana daneeyo
ayna tixgaliyaan dhammaan dadka ku xeeran ee uu la noolyahay.
85% guushaadu waxay ku xidhantahay shaqsiyadaada oo haddii aanad
dadka soo jiidan karayn oo aan la dhaqmi Karin way kugu adkaanaysaa
inaad guul gaadhaa.
Shaqsiyadaadu haday tahay mid dadka kuu soo dhawaynaysa oo ay
jecelyihiin waxaad tahay shaqsi ay u fududahay inuu guulaysto laakiin se
haddii ay shaqsiyadaadu kuu horseedo in lagaa cararo oo lagu naco ogoow
wali waxaad tahay shaqsi guul darasytay.
Dad badan ayaa kaga mashquula dhisida iyo qurxinta jidhkooda inay
wanaajiyaan shaqsiyadooda2 qodob oo kaa caawinaya in horumariso shaqsiyadaada:
1. Cibaadada Alle ku Dadaal: Inaad Illaahay ku xidhnaata waa Guusha
ugu way nee laga gaadho Aduun iyo Aakhiro, waayo Cibaadadu waa
ujeedada aynu u joogno Aduunyada ee Illaahay inoo keenay, haddii
aanad Illaahay ku xidhnayn wax walba waad seegtay oo waligaa heer
hooseeya ayaad ku sugnaan waligaaba.
2. Noqo dhagayste fiican: dhagaysiga dadka ama se waxyaalaha
faa’iidada leh waxa uu kaa caawinayaa inaad dhuuxdo oo aad fahanto
mucda iyo macnaha ku jira waxaas laga hadlayo, waxaana kaaga
kordhaysa aqoon dheeraad ah, tani waxay qofka kula hadlaya
siinaysaa kalsooni iyo tixgalin aad u muujinaysid taas oo sababaysa
inaad noqoto qof la jeclayahay oo shaqsiyad wanaagsan soo
jiidashana leh.
3. Wax badan akhri: inta aad wax akhrido ayuunbay leegtahay aqoonta
aad leedahay iyo xogta aad haysaa, dadku way jecelyhiiin qofka xogta
badan haya inay la sheekaystan oo ay waqti la qaataan, tani waxay
sababtaa inuu qof walba xiiseeyo sheekadaada iyo agjoogaaga.
4. Noqo qof sheeko wadaag fiican leh: baro habka iyo hanaanka loola
hadlo dadka oo haka khajilin inaad hadasho ama se ha noqon qof
muran badan waayo muranka waxa lagu yaqaana qofka aan xogta
badan hayn.
5. Yeelo fikir: wax ka wanaagsan ma jiro inaad yeelato fikir toggan oo kuu
gaar ah, kaas oo kaa caawinaya inaad yeelato hab fikir kuu gaar ah oo
aad ku cabiri kartid waxyaalo badan taas oo dad badan kuu soo jiidi
karta inay kula saaxiibaan oo ay ku tixgaliyaan.
6. La kulan dad cusub: Inaad la kulanto dad cusub waxay kaa
cawinaysaa inay noloshaadu noqoto mid maalin walba xiiso leh oo wax
cusub ku soo kordhaan maadaama dadka aad baranayso wataan fikiroiyo aqoon ka duwan taada oo adigana kuu noqonaysa faa’iido wayn iyo
inaad barato waxaanad hore u aqoonin oo cusub.
7. Ku qanacsanoow shaqsiyadaada laakiin badal habdhaqankaaga:
inaad ku qanacsanaato shaqsiyaadaa oo aanad matalin dad kale
noloshooda waxay kaa dhigaysaa qof leh shaqsiyad ka duwan dadka
kale taas oo ka turjumaysaa inaad tahay qofaan la mid ahayn dadka
kale oo leh hibo u gaar ah iyo himilo gooni ah.
8. Yeelo aragti iyo hab dhaqan toggan: inaad mar walba ahaato qof wax
ka eega xaga wanaagsan una dhaqma si wanaagsan waxay kaa
dhigaysaa shaqsiyad dadku jeclaystaan inay la dhaqmaan oo lagu soo
dhawaado waxna laga qaato.
9. Noqo qof furfuran oo mararka qaar majaajilayn kara: Qof walba oo
inaga mid ah waxa uu jecelyahay inuu la saaxiibo qof ka qosliya oo
dareensiiya farxad dhoola cadayna ku beera, mararka qaar waa
layskaga baahanyahay in la kaftamo si caajiska layskaga biiyo
waxoogaana loo qoslo.
10. Qofka dhoola cadaynta badan ee dadka ka qosliya mararka ay
cadhaysanyihiin ama ay murugoonayaan cid walba way soo jiitaan
waana la jecelyahay.
11. Taageer dadka kale: inaad noqoto qof taageera dadka kuna
taageera inay gaadhaan himilooyinkoodu waxa uu noqda qof isna
gaadha himiladiisa dadka oo dhana majiirtaan oo ay jecelyihiin qof
kastaana u qiro wanaagiisa, qof walba waxa uu jecelyahay inuu helo
qof dhiirigaliya oo aaminsan kaas oo gacanta qabta marka uu kufo ee
uu rajo beelka yahay.
12. Ixtiraam dadka oo daacad u noqo: inaad noqoto qof daacad ah
oo ixtiraama qof walba waxa ay sababtaa inuu noqdo qof loo qushuuco
oo qof waliba jecelyahay isna la ixtiraamo waxaana uu so jiitaa cid
walba oo dadnimo iyo damiirba leh.
13. Baadh meelaha aad u xoogan tahay shaqsi ahaan iyo meelaha
aad ka liidato: in aad hesho meelaha aad u liidato shaqsi ahaan iyo
meelaha aad u xoogan tahay waxay kaa caawinayaan inaad sii
horumariso meelaha aad u xoogan tahay kaabisna ku samaysomeelaha aad u liidato, tusaale ahaan haddii aad ku wanaagsan tahay
in aad go’aan qaadato se ay kugu adag tahay in aad fuliso waa in aad
horumarisaa awooddaada fulineed.
14. In aad daacad ahaato oo aad dadka ixtiraamto waxay wax ka
badalaysaa shaqsiyadaada oo ka dhigaysa shaqsiyad wanaagsan oo
horumar leh.
15. Samirka xejiso: Illaahay ayaa inoo sheegay inuu abaal marin
fiican siin doono adoomihiisa samra. Samirku waxa uu dawo ka yahay
warwarka iyo walaaca kaa so wajahay caqabadaha nolosha; ogow in
ay noloshu tahay imtixaan sidaas daraadeedna ayna ka maarmayn
samir.
Waxaynu awood u leenahay inaynu badalno oo aynu qurxino qaabna u yeelo
shaqsiyadeena taas oo inoo horseedaysa guul inaynu gaadhno.
Inta aynu maalgalino shaqsiyadeena ee aynu dadka kalena ka caawino inay
wanaagsanaadaan ayaynu horumar gaadhi karnaa.