Jeceyl ma dhigbaa lagu Qoray
Waxaa curiyay Heesta Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)
- Jacayl dhiig ma lagu qoray?
- Weli dhuux ma loo shubay?
- Qofna saanta dhabarkiyo
- Ma u dheegey feedhaha?
- Dhabannada cad laga jaray
- Hadalkii ma lagu dhigay?
- Xinjir aan is dhalan rogin
- Midabkeedu dhiin yahay
- Laga dhuray halbowlaha
- Weli dhiil ma lagu shubay?
- Laba mays dhansiiyeen
- Sida dhayda xoolaha
- Dhag dhag maw wadaageen?
- Weli laba is dhaarsaday
- Beryo dhacan nasiib iyo
- Dhul ku kala cillaalaa
- Subax dharabku kowsadey
- Dhedaduna cuddoon tahay
- Cidla aan dhir mooyee
- Wax dhaqaaqayaa jirin
- Jabaq maysku dhaadeen?.
- Kulankii dhabta ahaa
- Riyo dhiifi keentiyo
- Dhalanteed ma moodeen?
- Sida ay dhadhabayaan
- Dhawr jeer ma seleleen?
- Af dhabaan dhab jamashada
- Ma ka dhoofay hadalkii
- Bal dhaqaaq na kay tahay
- Dhihidii ma waayeen?
- Ma ka dhabaqday xaajadu?
- Ilma dhalatay xiisuhu
- Sida dhibic mahiigaan
- Ma ka qubatay dhaayaha
- Ma ku qoyey dharkoodii
- Naxariis ma dhidideen
- Iyagoo dhanqalankii
- Dheel dheelli mooyee
- Dhegna aanay kaga jirin
- Kolba erey dhex roorkiyo
- Dhumucdii ka maqantahay
- Dhitinaaye keligii
- Ka dib tooban dharaarood
- Carrabkiyo dhanxanagii
- Dhirindhirid ma ku heleen
- Laba guul u dhalatoo
- Isu dhiganta weeyee
- Dabadeed dhabeeshii
- Hanadkii ku dheeraa
- Dhudi mays bariidsheen
- Dhubbad qaadka sheekada
- Qofba dhagarta caashaqa
- Wixii dhaaxo soo maray
- Ma dhex galay kalkiisii
- Ma akhriyey dhambaalkii
- Warka maysu dhiibeen.
- Kalgacayl dhito ahaa
- Dhamac iyo dab huriyeen
- Dhuxuliyo ladh soo kacay
- Hadba dhoon ma buuxsheen
- Kolba dhacan ma jiideen
- Dhacdadiyo u jeedada
- Qofba dhaadashada guud
- Qofka kale dhankiisii
- Inaan looga soo dhicin
- Ma ku dhaabadeeyeen
- Sannad mays dhegeysteen
- Ma dhalaalay waagii
- Dhag ma tidhi cadceedii
- Intay soo dhaqaaqeen
- Iyagoon ka dheeraan
- Dhaqankiyo xishoodkii
- Dhaymana u jeel qaba
- Iyadoo dhexdoodii
- Dhulka suxul banana yahay
- Dhibta maysla taageen
- Wax intaa ka sii dhow
- Ma ku dhiiran waayeen
- Dhayal laysu taabtiyo
- Dhallinyaro habkeedii
- Ma ka dhega adaygeen
- Dhadhansiga miliilica
- Isha mayska dhawreen
- Dhabbaday is taageen
- Qofba dhaabaddiisii
- Sara joog dhankiisii
- Kun habeen ma dherernaa
- Dhudhummada aboorkii
- Dhulka hoose kaga baxay
- Dhilashada jidhkoodii
- Ma dhanbalay sartii guud
- Ma dhammeeyey hilibkii
- Xidididada ma dhaawacay
- Ma u dhaafay seedaha
- Lafta hoose maw dhacay
- Dhiilluu ku geliyaa
- Ama waad dhalliishaa
- Dhagartiyo wedkaagee
- Dhimashada kal iyo laab
- Ma ku soo dhaweeyeen
- Dhoollaha ma ka qosleen
- Ubax dheelka subaxdii
- Naxariis ku dhaashtoo
- Afka dhiin cas mariyoo
- Dhaddigiyo labkisii
- Laba dhude isugu maran
- Ma is dhaafsadeenoo
- Dhaxal maysu siiyeen
- Dhuuni kawlka caashaqa
- Maysu sii dhadhamiyeen
- Ereygii dhinaa hadal
- Dhegta maysu saareen
- Dhafan dhaaf aboorkii
- Ma dhufsaday cammuudii
- Ma u qaatay dhoobada
- Dhab-dhabkiyo kabkabidii
- Labadaba ma dhalan rogey
- Dhismo kale ma soo baxay
- Ma ka dhigay wax yaabliyo
- Dudun dherer ku caanoo
- Dhumuc iyo laxaad weyn
- Dhalan dhoolka maantii
- Dadku dhacarta jiilaal
- Ma dhasaday dharaartii
- Ma ka dheelmay galabtii
- Iyadoon la dhaadayn
- Sheekada dhabteediyo
- Dhabar weyntan hooska leh
- In dhexdeeda laba ruux
- Runta kaga dhur sugayaan
- Haddaan laysu dhamanayn
- Nafta laysu dhiibayn
- Ama dhaxal tis qaadiyo
- Dhismo aqal la taagiyo
- Ubad iyo dhaqaaliyo
- Dhaqan reer la kala sugin
- Dhunkashiyo u jeedadu
- Tahay dhaayo guudkood
- Waabay la dhabaqsado
- Dhereg iyo markaas qudha
- Ama sida dhurwaayada
- Hilbo gabadh dheg roonoo
- Higlo loogu dhuuntoo
- Dhakhso loogu kala baxo
- Ninba waxa dhabbacashada
- Dabinkiisa ugu dhaca
- Dhidar iyo xabaashii
- Sharaf lagu dhabcaaliyo
- Dhawrsooni laga tegey
- Dhalanteedka beenta ah
- Bulshadaa u dhaawacan
- Hab jacayl u dhaqan galo
- Ma holladay ka ugu dheer
- Maamuusna ugu dhow
- Mise weli wax baa dhiman