Sheekadii guusha ee Morgan Freeman

Sheekadii guusha ee Morgan Freeman

Sababta dad badani uga aaminsan yihiin fikir qaldan guushu waa iyagoo arka 

uun natiijada ugu dambaysa ee shaqo adag oo uu qof soo qabtay, isla 

markaana umaleeya inay nasiib ahayd.

Wali ma maqa Sheekadii guusha ee Morgan Freeman shay sheekada nin la yidhaa Morgan Freeman.

Haddii aad waxbadan daawato filimada hollywood-ka waxa laga yaabaa inaad 

ogtahay inuu ka mid yahay aktarada hollywoodka loogu tixgalinta badan yahay, 

ee ku guulaystay marar badan bilada filimada ee loo yaqaano ( Oscar prize).

Taasi waa waxay dhab ahaan ka yaqaanaan dadku agteerkan, balse wax fikrad 

ah maka haysataa halgankii uu soo maray ka hor inta aanu noqon akteer caan 

ah oo guulo waawayn gaadhay.

Sheekadii Morgan Freeman

Morgan freeman wuxuu ku dhashay dalka maraykanka taariikhdu markay 

ahayd 1937, waqtigaasi oo ku beegnaa waqtigii midab takoor lagu hayay dadka 

madoobi uu aad u xooganaa. Iyadooy ay ugu wacan tahay dhibaatadan iyo 

cadaaadiskaa midab takoorka, qoyskiisii waxay go'aansadeen inay u guuraan 

meel kale si ay u helaan nolol ka fiican ta waqtiga ka jirtay dalkooda.

Morgan wuxuu jeclaa inuu noqdo aktar, lacagtiisa iyo waqtigiisa inta ugu 

badana wuxuu ku bixin jiray si uu u daawado aflaamta. Marar badan waxa uu 

isku dayay inuu noqdo aktar balse kumuu guulaysan. Waqti aad u dheer 

kadibna wuxuu is arkay isagoo duuliye ama pilot ka ah diyaaradaha milateriga.

Waqti kadib Morgan wuxuu xaqiiqsaday in mihnada uu dhab ahaan u 

jecelyahay ay tahay akteernimada, waxaanu go'aansaday inuu daba socdo oo 

aanu ka hadhin sidii uu actar u noqon lahaa. Morgan da'diisii waxay gaadhay 

45 jir isagoon wax guul weyn ah gaadhin. Laakiin muu niyad jabi wuxuu sii 

wado iskudaygiiba, wuxuu guulaystay markay da'diisu gaadhay 50 jir ilaa uu 

kama dambaystii matalay filimada caanka.

Markay da'diisu noqotay 67 jir Morgan Freeman wuxuu ku guulaystay bilada 

aflaamta kadib jilidiisii loo wada bogay ee filimkii la magac baxay "Million dollar 

baby"

Casharada laga bartay noloshii Morgan Freeman.

1) Waxaad u malaynaysaa inaad ka habsaantay xiligaad riyooyinkaaga 

eryan lahayd? Wuxuu guul gaadhay markay da'diisu noqotay 67 sano 

jir: ma u malaynaysaa inaad da'a waynaatay? Morgan freeman wuxuu

bilaabay inuu guulaysto markii ay da'diisu noqotay 50 jir. Haddii aad u 

jeelantahay oo aad jeceshahay inaad ku guulaysato wax, wali maad 

habsaamin.

2) Ma Nasiibaa ? mise waa Adkaysi ?: qofku si uu guul u gaadho waa inuu 

la kulmaa guul darooyin badan. Morgan Freeman wuxuu guuldaraystay 

marar badan ilaa ay da'diisu gaadhay 40 jir isagoon wax guul ah gaadhin, 

balse maadaama oo uu ah qof aad u adkaysi badan wuxuu maareeyay 

inuu ku guulaysto riyadiisii markuu 50 jir gaadhay. Dhinaca kale arintani 

nasiib ma'aha balse waa ku celcelin badan ilaa aad ka gaadhayso waxa 

aad rabto.

3) Raac Oo ka shaqee waxa aad jeceshahay: kuma lihi kuma guulaysan 

kartid shay haddii aanad jeclayn balse dhab ahaan waxay noqon doontaa 

mid aad kuugu fudud inaad ku guulaysato waxaad jeceshahay marka la 

barbardhigo ku guulaysiga wax aad neceb tahay. Hel waxa aad

jeceshahay inaad qabato oo raac, haddii aad saa samayso fursadaha aad 

ku guulaysanayaan waxay noqonayaan qaar aad u heersareeya.







Powered by Blogger.