gabaygii amal

waxaa curiyay gabaygan allah u naxriistee abwaan maxmed ibraahim warsame Hadrawi Dadku kala ayaan roon Ama kala aqoon dheer Ama kala asluub weyn Hadaan eed la doonayn Ama deeq Illaahay Asaraar ka taagnayn Dadku eexo kaa gelin Inan yahay la'aantaa Dumar lama abuureen Gabadh lama ammaaneen Jacayl looma ooyeen Geed beer udgoon iyo Ku dhex-yaal ugbaadoo Ubax iyo man fuulaay Ulihii madheedhkee Iimey ku yaalliyo Ilo wada xareedoo Nafta lagu illaawaay Dayaxoo iftiimoo Arladoo dhan gadhoo Afar iyo tobnaadaay Qorraxdoo aroortii Dhulka soo abbaartoo Sagal iid dhex joogtaay Waxaad tahay adduunyada Dhexda udubka haystoo Xejiyoo adkeeyoo Af-gobaadsan maayoo Qurux lama amaahdee Ashkir geenyo ugubey Adhaxdiyo laf-dhabartiyo Sanbabbada agtoodiyo Ililaha halbowlaha Eebaa ku mudanoo Arrintii cuslaatoo Naftu aammusnaantii Iimaansan weydoo Amaleey jacaylkii Soo dhaafyey uurkoo Afku haysan waayoo Goortaan ogaadee Arammidu dillaacdaan Ooddii ka leexshee Axdi jaba abaal luma Kaa eegi maayee Igadh iyo maqaarkeed Innagoo ahaannaan Hadalkii ku ururshee Adiguna dheh aammiin
Powered by Blogger.