Baawa siir

Waa maxay Baabasiir?
Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa imaanaya baabasiir
Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah  waxana taasi ay keentaa babaasiirta gudaha ah. Ama waxa laga yaabaa inay
saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee marinka, meel wax yar ka hooseysa maqaarka, taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah. Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba.
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.

Calaamadaha:
Calaamadaha lagu yaqaano waa:
  • Cuncun agagaarka futada
  • Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo
  • Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib
  • Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada
  • Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon
Powered by Blogger.