JACEYL

Jaceyl
WAA MAXAY JACEYL?
Waa su’aal in badan kusoo noq noqata bani aadamka,
balse ay adkaato sida uu ugu jawaabaan.
Haddii aynu dib u baadhno dhacdooyinka iyo sooyaalka
nolasha, xaqiiqdii waxaaynu odhan karnaa
qoomiyadaha aduunku ku dhaqan haddii la waydiiyo
waa maxay jaceyl? Shaki kuma jiro afkaydoonaan ha ku
hadlaane, in ay wax inooga sheegi karaan jaceylka.
Haddaba adigoo ah soomali maxaad ku tilmami kartaa
jaceylku inuu yahay? marka lasoo hadal qado se maxa
maskaxdaada ku soo dhaca? sideebu se ruux kastaa u
arkaa? maxase lagu gartaa qofka uu ku dhaco.?
Haddaba inta aynaan bixin jawaab celinta su’aalahan
adigu shaqsiyadaada ma aamin santahay in uu jaceylku
wax jira yahay? maxadse ku cadayn kartaa inuu yahay
wax jira?
Haddii  aan aan jawaab bixin ku samayno su’aasha
aragtidayda waxaan odhan karaa waa awood cajiiba; oo
uu ilaahay noolaha isugu beero, dareenkaas oo u kala
baxa dhowr qaybood sida dhiiga aadamuhuba ugu kala
baxo qaybo A, B, AB,O oo uu qofku la wadaagi karo
noolayaasha kale. sidda aan qabo dareenka jaceylka
waxa jaceyla la isugu gudbin karaa taabasho, cod,
aragti, sheeko iwm, haddaan dhankale iska taagno
dareenka jaceylku waa hiigsi haabasho, hawaawir iyo
hami ku hayn qofku niyada ku hayo qof kale.
Aan cabaar is dul taagno qaybaha jaceylka u kala baxo:
1-(A) waa mid aad jeceshaya hooyadaa iyo
aabaha,walaalaha iwm.
2-(B) waa mid aad wadankaaga,dadkaaga iyo diintada,
iwm.
3-(AB) waa mid aad jeceshahay qof gaara oo aad rajo ka
leedahay.
4-(O) waa mid aad jeceshahay dhaqankaaga iyo nolasha
aad ku jirto oo dhan.
Run ahaantii jaceylka dhabta ahi ma gudho mana
dhamaado, had iyo goorna qofka wax jecli afkiisa kama
dhigo noolaha uu jecel yahay. mar arinkaa la falan
qeeyay oo la iswaydiiayay waxa la isla gartay hadal
hayntaas joogtada ah inuu ugu dhawaanayo, wehelna
uu ka dhiganayo; waxa kale oo la xaqiijiyay in ay riyadu
xad dhaaf tahay, waanay iska suurowdaa inuu habeenka
ku qarwo.
Ummad kastaaba si ayay u qeexdaa jaceylka laakiin
diinteena islaamku waxa ay ku taagan tahay jaceyl iyo
raxmad, taasina waxa ay kuu cadaynaysaa in uu jaceylu
yahay shay nolasha umihiima.
Powered by Blogger.