Dhaaf wall wallka

Sanadkii 1913-kii waxaa khudbad ka jeediyey golaha jaamacadda Yale
ee dalka Mareykanka nin meel dhexaad ah oo cirradu dhafoorrada ka
weerartay ninkaas waxaa ka muuqday xurmada aqoonyahanimada iyo
xasiloonaanta waayeelnimada erayaduu ku hadlayey waxay ahaayeen
kuwo caddaan ah oo qoto dheer, khudbadda wuxuu u jeedinayey
arday ka qalin jebinaysay kulliyadda caafimaadka.
Dadkii ka soo qeyb galay waxay u dhagaysanayeen si tixgelin iyo xiiso
leh, waxaa ku jiray khudbadda erayo xeel dheer oo ujeeeddo fog leh
inkastoo ay u muuqdeen inay fududaayeen waxaana ka mid ahaa
erayadaasi "dad badani waxay u maleynayaan in aniga oo afar
Jaamacadood Bare sare ka noqday oo qoray kitaab caan ah oo dunida
ku faafay inaan ahay nin caqli weyn oo garaad sare leh oon la gaari
kareyn, laakiin xaqiiqdu sidaa way ka duwan tahay maxaa yeelay dad
badan oo saaxiibaday ah waxay ogaadeen in garaadkaygu caadi yahay"
waa kuma ninka sidaa leh? Waa Sir William Oslar oo taariikhdiisa lagu
qoray laba majaladood oo waaweyn uuna ugu deeqay boqorkii
Ingiriiska Koofaart "Sir" abaal gud ahaan guulihii waaweynaa ee uu ka
soo hooyay xagga caafimaadka darteed, waana ninkii unkay
Jaamacadda Johns Hapkins, laakiin waa maxay xiriirka ka dhexeeya
ninkaas iyo casharkeena walbahaarka? Jawaabtu waa tan:-
Sanadkii 1971-kii wuxuu u fariistay Oslar imtixaankii qalin jebinta
kulliyadda caafimaadka, meesha imtixaanka lagu qaadayey waxaa ka
muuqday naxdin iyo cabsi laga qabay in imtixaanka lagu dhaco,
markaas waxaa dhacday in Oslar walbahaaray oo uu is weydiiyey
wuxuu sameyn doono hadduu ku dhaco imtixaanka? Maka dhumi
Powered by Blogger.