Dhisida fikirka

Waa waayada kamida ah ayaa waxa jiray nin noloshiisa ku maarayn jiray ka ganacsiga biibiilayaasha,
Ninkan waxa uu iibin jiray jaadadka biibiilayaasha oo midabo kala duwan leh sida: Casaan, huruud,
Buluug iyo Cagaar. Mar kasta oo ganacsigiisa uu ka dareemo hoos udhac waxa uu cirka usii deynjiray mid
kamid ah biibiilayaasha uu ku buufiyay macdanta hiiliyamta (Helium). Mar kasta oo carruurtu aragto
biibiilayaasha hawada heehaabaya waxa ay jeclaysan jireen in loo soo iibiyo, way u imaan jireen
waxayna ka gadan jireen jaadadka biibiilaha. Mar labaad ganacsigiisu kor-u-kac ayuu samayn jiray.
Sidaas ayuu ku wadi jiray in muddo ahba. Maalin maalmaha kamid ah waxa uu dareemay wax koodhkiisa
soo jiidaya, markuu sidaa u jaleecay ayuu arkay wiil yar, wiilka yari waxa uu ninkii weydiiyay “Haddii aad
mid madow cirka u tuurto, sidoo kale ma duulaysaa iyaduna?” isagoo ahmiyad siiyana weydiinta wiilka
yar ayuu la wadaagay shucuurtiisa, waxa uu ku yidhi wiilkii: “Maandhoow, Muhiimadu maaha midabka,
ee hadba waa waxa ku jira gudaha Shayga, kaas oo marna kor u kiciya marna uba diida”
Mid la mid arrinkaas waxa sidoo kale laga helaa nolosheenna, Shayga guudkeenna ku sugan ee inoo
ogolaada kor-u-kaceena nololeed waa Hadba Waxa aynu Aaminsanahay ama sida aynu u fekero
(Attitude).
Weli hore ma isu weydiisay, sirta ka danbaysa in dadka, ganacsiyada iyo Waddamada qaarkood ay ka
horumaraan, ugana guulo badan yihiin kuwa kale?
Taasi maaha wax innaga qarsoomi karta. Dadkaasi keliyaata way fekereen, kartidoonana way
adeegsadeen. Waxa ay barteen sidoo kale, sida loo maalgashado dadka kartida badan. Fikir ahaan Waxa
aan qabaa, guulaha ay gaadhaan dadku, shirkaddaha ama Waddamadu inay ku tiirsan tahay Tayada
dadkooda. Waxa aan wadahadal la yeeshay Gudoomiyaasha Fulinta ee Shirkadaha Waaweyn
badankooda, Waxa aan warsaday hal weydiin. “Haddii aad awood u yeelan lahaydeen in aad yeelataan
awood waxbedel oo layaableh, sidoo kale uu jiro shay aad doonaysaan in aad bedeshaan, kaas oo haddii
la bedelo kor-u-kac u keenaya Waxsoosaarka Ganacsigiina, dheef baddana idinka soo gelayso, Shaygaasi
maxay ayuu noqon lahaa?”. Warcelintu waxa ay noqotay mid la isku raacay ama ay ka sinnaayeen.
Dhammaantood waxa ay yidhaahdeen “Haddii Dadku lahaan lahaayeen Hab Fikir, dhaqan iyo Karti intan
ka roon, Dhammaantayo waxa aanu noqon lahayn Koox Wada jirta, Hal aragtina wada leh”. Bare Sare
William James oo wax kadhiga Jaamacadda Harvard ayaa yidhi: “Daahfurkii ugu weynaa ee jiilalkani waa
in Aadanuhu ay beddeli karaan hab nololeedkooda, iyagoo Marka hore beddelaya Attitude-kooda”.
Cilmi-baadhis iyo Waaya-aragnimo muddo soo jiitamaysay ayaa ina tusaysa Khayraadka Aadanuhu in uu
yahay Waxa ugu Muhiimsan ee Ganacsiga. Xitaa Waxa ay ka qiimo badan tahay Raasumaalka iyo
Qalabka Ganacsiga. Nasiib Xumo’se waa Fursada ugu wanaagsan ee aynu iska beerdareyno.
Powered by Blogger.