Qarashada Guusha
laha qeexitaan u gaar ah oo laysku raacay, waxayna
dhacdaa xayndaabyada kala duwan ee nolosha sida
qoyska, waxbarashada, ganacsiga, siyaasadda,
shaqada, xiriirka bulshada, diinta iyo dhaqanka.
Taasi waxay keentay in qof walba guusha uu u arko
hadba sida ay ula muuqatay. Tusaale, qofka
ganacsadaha ah guushu wuxuu u arkaa marka uu
faa’iido badan sameeyo; qofka siyaasiga ah guushu
wuxuu u arkaa marka uu ku guulaysto kursi
madaxtinnimo; qofka ciyaartooyda ah guushu
wuxuu u arkaa marka uu goolka dhaliyo. Iyada oo
sidaas ah, haddana giddigood waxaa biyodhac u ah
xaqiijin ama gaarista arrin la tiigsanaayay.
Marka ay timaaddo qeexidda kelmedda ‘guul’
waxaad arkaysaa in qof walba uu ku bees
.