Furaha Guushu Waa Samirka

Furaha Guushu Waa Samirka:
Taabiciga Curwa Binu Subayr ayaa waxaa laga jaray lugta xanuun ku dhacay dartiis isla maalintii laga jaray ayay
caruurtiisu dhinteen ka dib markii uu Faras haraatiyay. Waxaana uu yiri “Allahayow adigaa mahad leh, Adiga ayaa jira
adiga ayaana xagaaga loo soo noqonaya waxaad I siisay wiilal waana aad iga qaaday, waxaad I siisay afar waaxood
waxaadna iga qaaday mid, waxaan kaa baryaya inaad Jannada nagu kulmiso.
Maalin kale waxa soo galay Majliska Curwa Binu Subayr oday da’ ah oo indha beelay, waxaana lagu yiri Curwa dhegayso
odaygan warkiisa? Odayga ayaa ku yiri “Waxaan deganayn meel doox ah, habeenimo ayaa daad soo rogmaday wuu
qaaday xoolahaygii iyo ubadkaygii, waxa keliya ee iiga haray wuxuu ahaa wiil iyo Awr, awrkii wuu iga baxsaday wiilkiina
waxaa iga cunay dhurwaa ama Waraabe.
Taabiciga Curwa Binu Subayr ayaa ku yiri “Markaa Maxaad tiri?” Waxaan iri “Waxaa mahad leh Allaha i siiyay qalbi iiman
ka buuxo iyo carab mahad naqaya “? Waa kuwaasi dadkii dhibaatooyinka adag ku sabray.
Powered by Blogger.