Weligaa Noqo Qof Han Sare leh:

Weligaa Noqo Qof Han Sare leh:
Nin la yiraahdo Monty Roberts oo ku dhashey Magaalada Salinas Gobolka California ee dalka Mareykanka Bishii May 14-
kedii sanadkii 1935-kii ahna muwaadin reer Mareykan ah ayaa waxa uu yahay nin ay u rumowday riyooyin iyo himilooyin
mudo dheer uu ku taamayey waxaana uu sheegay in waagii uu yaraa ee uu caruurta ahaa inuu ahaa nin han sare leh oo
ku hamiyi jirey male wanagsan.
Monty, markuu dhiganayay dugsiga sare ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacday in nin Macallin u ahaa uu ka
codsaday isaga iyo arday ay Iskuulka wada dhiganayeen in ay qoraan qof walba wuxuu rabo inuu noqdo Mustaqbalka
dhow, dabeedna Monty wuxuu qoray inuu doonayo inuu helo dhul aad u ballaaran oo uu ku xanaaneeyo fardaha ka
qeyb gala tartamada caalamiga.
Markii uu Macallinkii eegay waxa uu ku haminaayo Wiilkan, wuxuu siiyay darajo aad u liidata, wuxuuna marmarsiiyo ka
dhigay in Monty qortay shay caqliga ka fog isla markasna fikradiisu aysan ahayn wax soconaaya ama shaqeynaya, waayo
wuxuu yiri Macallinkii wiil faqiir ah ah ayaad tahay meeluu seexdo aan haysan halkee ka keenaysaa lacag intaas dhan ee
aad dhulka intaas dhan ku gadanayso, ka dibna fardaha adduunka ugu qaalisan kusoo iibsaneyso,? Haddii xittaa aad
riyoonayso wax macaquul ah ayaa lagu riyoodaa ayuu macalinkii ku yiri wiilkii yaraa.
Macallinkii wuxuu mar labaad wiilkii siiyay warqaddii si uu fikrad kale ugu soo qorto, isagoo u sheegay inuu ku qorto wax
macquul ah oo uu iska ilaawo tan doqonnimadda ah.
Wiilkii Dhiiranaa ee Monty-ahaa wuxuu warqadihii ku qoray erayadaan ''Macallin adiguna darajadaada fiican ee aad
bixineyso hayso, anigana riyadayda waalida kuula muuqata ayaan haysanayaa''.
Monty wuxuu dadaal dheer ka dib oo Alle u sahlay kana dhabeeyay riyadiisii, maantana wuxuu haystaa dhul aad u
ballaaran, boqolaal fardo ah, wuxuna ku tababaraa boqolka qof ee daneeya farda fuulka caalamka.
Powered by Blogger.