Hal Qof Ayaa Wax Bedela:
Hal Qof Ayaa Wax Bedela:
Raimundo wuxuu ahaa 77 jir kunool jidadka iyo darbiyada magaalada Sãu Paulo ee dalka Brazil kadib markii uu ku guul
dareystay inuu helo guri uu dago, gabbaadna uga noqda qabowga iyo kulaylka.
Wuxuu qori jiray gabayo iyo sheekooyin gaaban dadka jidka maraya ayuu u qaybin jiray isaga oo aan waxba ka
qaadanaynin, waxayna ahayd waxa kaliya ee farxad galiya kadib markii ay murugadu isku gadaantay noloshiisa isuwada
eg!
Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa soo martay jidkaas gabar lagu magacaabo Shalla oo leh dareen Bini aadamnimo
oo weyn, wuxuu siiyay Tix iyo sheeko gaaban oo taabanaysa nolosha dadka ku dhaqan deegaankaas kuwaas oo aan helin
daryeelkii ay ubaahnaayeen sida cunto, hooy, caafimaad, waxbarasho iyo biyo nadiif ah.
Qoraalkii aad ayay ula dhacday Shalla oo ahayd gabar jecel fanka, qoraalka, iyo suugaanta, waxay garab fariisatay
Raimundo waqti badanna way la qaadatay si ay wax uga ogaato nolosha iyo aragtida dhibbanahan bushi, baro la,aan,
iyo baahidu jirkiisa dileen.
Ugu danbeyn Shalla waxay go'aansatay inay caawiso Raimundo kana saarto nolosha adag ee uu ku jiro, waxay bilowday
in sheekooyinka iyo tixaha uu qoro ku faafiso Internetka iyo baraha bulshada si dad badan ay u gaaraan.
Sheekooyinkii way faafeen waxaana usoo jawaabay Shalla hay'addo khayri ah, iyo bulsho badan oo ka xanuunsaday
xaaladda Raimundo dhanka kalana ka helay qoraaladiisa farshaxamaysan ee sida tooska ah u abaaraya qalbiga qofka.
Muddo yar kadib odaygii 77 jirka ahaa baro iyo nololna midna haysan wuxuu helay nolol wanaagsan guri weyn oo
dhamaystirana ayuu yeeshay muuqaalkiisuna wuu isbadalay.
Intaa waxaa dheer inuu noqday qoraa rasmi ah kadib markii madbacad weyn oo buugta daabacda ay go'aansatay in ay
daabacdo buugtiisa adduunkana usoo bandhigto hal abuurkiisa waayo aragnimadu ku dheehantahay.
Gabar ka damqatay dhibka haysta aadamaha ayaa nolosha odaygaa badashay, walaal ma ku fakartay inaad ka qayb
qaadatid wanaajinta nolosha aadamaha ama ugu yaraan aad dhibkaaga kadaysid?