Guul aan fulin lahayn waa eber
“
Guul aan fulin lahayn waa eber”
* * *
Ma isleedahay guuli waxaa lagu gaaraa filasho iyo
xaglo laaban? haddee sidaas kula tahay, ku
baraarug! In guushu tahay abaalmarinta ruuxa
halgamaaga ah, balse ay rejo u tahay qofka aan
jamasho lahayn.
Sida aad ku arki doonto buuggan gudahiisa,
guushu ma aha mid si fudud ku timaadda, mana
aha mid lagu gaaro meel fadhi, laakiin waxay u
baahan tahay waqti, dadaal, go’aan adag,
rumaysasho, adkaysi iyo in aad wax ka beddeli
karto fekerkaagii hore waa haddii naftaadu aysan
helin wixii ay ku hamminaysay ama aysan gaarin
yoolkeeda.
Guushu waa ciyaar u baahan in lala socdo goor
walba, sidoo kale waxay u baahan tahay in aan laga
daalin, lagana wahsan raadinteeda. Guuli lama suge
waa lala socdaa; iskama timaaddee waa la
baadigoobaa. Abwaan Hadraawi ayaa gabaygiisa
‘gudgude’ ku xusay in guusha lala jiro, wuxuuna
yiri: “Guushaada waa lala jiraa, gees haka ahaannin;
goddobtaada meelee intaan gacanta kaa boobin;
gacalnimada noolee intaan gocasho kaa oodin.”
Dadka qaar waxay iska sugaan guusha sida in ay
cirka uga imaanayso oo kale, mana ku
baraarugsana in guushu tahay wax u baahan:
qorshe, fal, tab iyo xeelad.