Haku Deg-degin Dhaleecaynta Dadka Kale

Haku Deg-degin Dhaleecaynta Dadka Kale:

“Rooti Gubtay Cidna Ma Waxyeelo Laakiin Erayada Naxariis La’aanta Ah Ayaa Waxyeelo Geysta”
Madaxweynihi hore ee dalka Hindiya Dr. Avul Pakir Jainulabdeen Abdul Kalam oo geeriyoodey Bishii July 27-kedii
Sanadkii 2015-kii ayaa isaga oo ka sheekeynayey xiligii uu yaraa wuxuu yiri: “Waagii aan caruurta ahaa, Hooyadey ayaa
cuntada noo Karin jirtay. Habeen gaar ah ayay casho ay sameysay miiska u soo saartay Aabe. Waxay ahayd saxan subzi
iyo Rooti aad u gubtay. Waxaan sugayay in uu aad u caroodo ama u xanaaqo ogaadana waxuu ka yiraahdo. Laakiin Aabe
wuu cunay rootigi wuxuuna I weydiiyay siduu ahaa School-keygi. Ma xusuusto waxaan u sheegay habeenkaa balse
waxaan xusuustaa Hooyo oo Aabe ka raaligelinaysa rootiga gubtay, marna ma ilaawayo wixii uu ku yiri: “Gacaliso, waan
jeclahay rootiga gubtay” Habeenkaa intaan Aabe dhunkaday ayaan weydiiyay inuu jecelyahay rootiga gubtay. Gacmihiisi
intuu igu soo qabtay ayuu igu yiri: “Hooyadaa maanta oo dhan ayay si adag u shaqeynaysay, aad bayna u daalaneyd.
Rooti gubtay cidna ma waxyeelo laakiin Erayada aadka u daran ee naxariis la’aanta ah ayaa waxyeelo geysta!
Wiilkeygiyow Nolosha waxaa ka buuxa waxyaabo aan dhameystirneyn. Anigu ma ihi Qofka ugu wanaagsan, wax kastana
ma aqaan. Waxbaan hilmaamaa marmar sida qof kasta oo kale. Waxa uu waayuhu i baray waa in la aqbalo qof kasta
ciladihiisa Lana doorto in loo dabaaldego Lana dhiirigeliyo xiriirka”
Noloshu way gaaban tahay in aad hurdada ka toosto adigoo qoomameynaya. Jeclow dadka kuula dhaqma si wanaagsan,
u naxariiso oo cafi dadka kuula dhaqma sida xun.
Ha ku deg-degin inaad qof dhaleecayso sababtoo ah ma sameeyo waxa aad sameyso ama uma fakiro sida aad u fakirto
ama si dhaqso ah. Waxaa jirtay xilli adiguba aadan garaneyn waxa aad hada taqaan.
Powered by Blogger.