Aragtiyada Guusha
Aragtiyada Guusha
Marka aynu ka soo gudubno qeexitaanadaas kaladuwan, waxaa kaloo jira laba aragti, labaduba
waxay sharaxayaan macneha guusha. Stephen
Covey 3
ayaa buuggiisa ku xusay labadaas aragti,
waxayna kala yihiin aragtida tixgelisa astaamaha iyo
dabeecadaha qofka iyo aragtida diiradda saarta
anshax shakhsiyeedka qofka. Tan hore, waxay
2 Fiiri suuradda wal-casri
3 Qoraaga buugga: The 7 habits of highly effective people. leedahay guushu waxay timaaddaa marka qofku uu
dhaqangeliyo qawaaniinta nolosha.
Si kale u dhig, waxaa jirta qawaaniin aasaas u ah
nolosha suubban, qofkii bartaa qawaaniintaas;
sidoo kale dhaqangeliyaa ugu dambayn waxay ku
hoggaamiyaan guul. Aragtidani, waxay leedahay
guushu waxay u martisaa qofka leh astaamo
dabeecadeed ku fadhiya qawaaniinta aan
isbeddelin sida caddaalad, daacadnimo, dulqaad,
naxariis, dhiirranaan iyo in aad tahay qof u adeega
bulshada.
Dhanka kale, aragtida kale iyaduna waxay liddi
ku tahay tan hore, waxayna ku dulwareeganaysaa
anshaxa shakhsiyadda qofka. Aragtidani, waxay
qabtaa in macneha guushu tahay dhisidda xiriirka
suubban ee aad la leedahay bini’aadamka, sumcad
qofeedka iyo mawqifyada samasheega ah. Si taa loo
gaaro, waa in qofku uu la yimaadaa afgobaadsi,
dhoolkaqosol (ilka caddayn), niyadsami,
dhiirranaan iyo firfircooni. Intaas waxaa sii dheer,
in aad noqoto shakhsi ku xeeldheer sasabashada
dadka ama macaamiisha si aad u xoojiso xirirkooda
wanaagsan.
Haddaba, markaad u fiirsato qeexitaanadii iyo
aragtiyada kala duwan ee khuseeya guusha, waxaad
ogaanaysa in guushu tahay mid laga helo
xerooyinka kala duwan ee nolosha. Taa waxaa sii
dheer, in dadku ay ku sii kala aragti duwan yihiin
meelaha ay kaga sii jirto xerooyinkaas. Tusaale,
dadka qaar guushu waxay u arkaan in ay tahay hanti badan oo aad haysato, awood madaxtinnimo,
magac iyo maamuus halka dadka kale ay u arkaan
caafimaadka, farxadda, xasiloonida nafta iwm.
Marka ay timaaddo mowduucyada la xiriira guul
iyo farxad, wax badan baa laga qoray. Culummada
ugu magaca dheer ee guusha wax ka yiri waxaa ka
mida Zig Ziglar 4 oo ah qoraaga buugga ‘Guul u
dhalad,’ waana shakhsi lagu tixgeliyo aqoonta
guusha, dhiirriggelinta iyo hoggaamminta. Wuxuu
rumaysan yahay in guusha aan lagu soo koobi karin
hal qeex, balse u baahan tahay in dhinacyo badan
laga eego.