Maskiinki Hodanka Ahaa
Maskiinki Hodanka Ahaa:
Nin oday oo da’ah misana goblan ah ama caruur aan dhalin hadana Laaji ama Qaxooti ah oo aan degenayn dhulkiisiihooyo ayaa beri waxuu ku noolaa magaalada Alexandria ee wadanka MASAR ku taala...
Wuxuu gali jirey ama uu ku noolaa guri yar oo cariish ama buul ah cid wax siisa ama u gargaartaana ma ay san jirin,
hadana noloshiisu waxay ahayd mid layaab leh oo dadka la jaarka ama deriska ahi ay is weydiin jireen tolow yaa quudiya
odaygan gaboobay.
Dadku marwalba waxay arkaan isagoo xiran dharka aad u qaaliya, gurigiisa marka ay hormarayaan dadku waxay uriyaan
cunto aad u udgoon oo aan ahayn urtii ay ka urin jiriin guryahan caadiga ah. Wajigiisu wuxuu ahaa mid aad u iftiimaaya
oo aanay wax diif iyo tacab ahi ka muuqan.
Hadaba waxaa dhacday in Maalin Ciid ah ayaa waxay ay dadkii xaafadu isugu yimaadeen barxad weyn oo lagu tukado
salaada ciida iyadoo uu ka mid ahaa odaygii faqiirka ahaa dadka ciidaya ayaa waxa su.aal weydiiyey Nin ka mid ah dadkii
meesha joogay oo yiri:-
Adeer waxaan ku weydiiyey dadka xaafada ayaad ka mid ahayd ilaa in muddo ah mar kasta oo aanu wax u qabta is
niraahno waxaanu aragnaa adigoo ku nool nolol taayadaba ka fiican wax shaqo ahna ma hayside maxaad quudataa oo
aad ku nooshahay’.
Odaygii da, da ahaa wuxuu ku jawaabay jawaab dadkii oo dhan ka yaabisay wuxuuna yiri ‘waa runtiin wax camal ama
shaqo ah ma hayo cid bani aadama oo ii gargaartaana ma jirto laakiin waxaan la xiriiraa ILLAAHA iska leh uumanka
samada iyo arlada oo i quudiya’ Ninkii ayaa wuxuu odaygii ku celiyey ‘adeer ILLAAHAY anaguba waanu barinaaye ma si
naga duwan ayaad u baridaa’.
Odaygii wuxuu yiri ‘waxaan ILLAAHAY baryaa ama ku ducaystaa illaahayow ii quudi ama ii arsaaq sida aad u quudiso
TUKAHA YAR deedna waan helaa waxaan doonayo iyadoo aan ugu tago gurigayga wixii aan ilaahay weydiistey.Ninkii
waxa uu weydiiyey odaygii adeer bal iiga waran ducadan maxaa ku duugan’
Odaygii intuu ilmeeyey ayuu yiri ‘waa arin cajiiba ILLAAHAY sida uu u quudiyo TUKAHA YAR. waxaa jirta in hooyada
tukaha weyni ah marka ay dhasho ee ay beedka ama ukunta dhigto waa ay huurisaa ilaa inta uu ka gaarayo xiligii uu
dilaacayey, marka uu gaaro xiligii dilaaca ee ay afka ku dhufato ayaa waxa ay rajaynaysaa inuu kasoo bixi doono dhal
madow oo iyaga u eg laakiin waxaa kasoo baxda dhalaan yaryar oo cadcad oo aan madow ahayn TUKIHII weynaa waa ay
ka argagaxdaa dhasha cad waana ay ka baxsataa. Marka ay sidaa uga tagto dhashii yarayd waxay u baahan tahay wax ay
cunto ileen waa nafleye, intaa ka dib ILLAAHAY SWTC wuxuu baalasha dhasha yar kasoo saaraa ama kasoo kaahiyaa UR
layaab leh oo ay ka dhashaan DIRXI ka dib dirxigaa ayey dhashii cunaan oo ay ku noolaadaan.
Mudo ka dib waxa maalinba maalinta ka dambaysa is bedesha baalashii midabkoodii oo noqda madaw, maalinta ay
wada madoobaadaan ayey hooyadii oo dusha ka ilaashan jirtey kusoo noqotaa oo u timaadaa maadaama uu madowgii
ay rabtay uu noqday. Isla marka ay u timaado waxa baaba, an urtii oo waxa suula urtii oo waxa dhamaada dirxigii
maadaama ay hooyadii u qaraabayaso cajiiiiiiiib aniguna sidaa ayaan ILLAAHAY u baryaa oo uu iigu quudiyaa sida tukaha
yar’
Dabeed waxaa ooyay dhamaan dadkii dhagaysanaayey oo la yaabay habka uu ALLAAH u quudiyo tukaha yar waxayna ku
dhawaaqeen ALLAHU AKBAR JASAKA ALLAHU KHAYR.