Talaabooyin lagu dhisi karo kalsoonida nafta

Talaabooyin lagu dhisi karo kalsoonida nafta

1: Xakamee oo xadid gacantana ku hay naftaada: ha noqon qof ku ad
adag dadka kale, naftaada ahoow mid u naxariis badan oo jecel, qor oo tax
waxyaabo aad ku wanaagsantahay oo aad leedahay ama se tayo
shaqsiyadeed oo aad leedahay deetana aamin oo ku qanac.
2: Ha Noqon Mid Cabasho badan: Qof kastaaba waxa uu ku dhex jiraa
dhibaatooyin ha yaraadaan ama se ha badnaadaan,qaar ayaa kaa dhibaato
badan hadana kaa adkaysi badan oo kaa calaacal yar, inaad noqoto qof si
taban wax u arka waxay kaa dhigaysaa mid ka takooran dadka kale ee ku
xeeran taas oo fursad siinaysa inuu kugu dhaco isku buuq maadama aad ka
go’day dadkii kugu xeerna.
Noqo mid is dajiya oo is waydiiya su’aalo badan oo uu xal u raadin karo.
jaanis sii naftaada ay ku nasato si ay maskaxdu kuu dagto.
3: Horumari Oo Dhis Niyadaada: Naftaada u ogoloow inay la tacaasho
carqaladaha ku soo waajaha waqtina sii, akhri waxyaabo ku dhiiri galinaya oo
dhisaya niyadaada.
4: Tag Oo Ka Qayb Gal Xafladaha Cawaysinka ah Ee Dhalinyaradu
Iskugu Timaado: Inaad ka qayb gasho Xaflad ama Siminaar waxay kugu
caawinaysaa inaad hesho dad aad isku fikir tihiin oo si wax kuula arkayanolosha kula jaan qaadi kara, Waxa kale oo kor u kacaya kalsoonidii
naftaada oo wax badan oo kaa dhinaa ayaa kaaga soo kordhaya.
5: U Mahad Naq Illaahay: Inaad Illaahay U mahad naqdo hawl kasta iyo mar
kasta waxay kaa caawinaysaa Inay hawluhu kuu kala fududaadaan oo aad
dareento daganaanshiyo maskaxeed Iyo Qalbiyeed taas oo qayb laxaad leh
ka qaadanaysa Kalsoonida naftaada.
6: U Kac Hawshaad Niyada Ku Qabato: Hawl kasta oo Niyada lagu qabtaa
kama soo hadho Ficilka, Ogow hadaad wax walba Niyaysato oo aad ku
riyooto inay kuu jirayso oo ay ahaanayso riyadaasuun ilaa aad u kacayso.
7: Ka dheeroow caajiska: Caajisku sida aynu wada ognahay waxa uu qofka
ka lumiyaa waqti badan, waxaana uu hoos u dhigaa firfircoonida iyo hab
fikirka qofka. In aad ka fogaato oo aad la tacaasho caajiskaagu waxay kuu
sahlaysaa in aad kalsoonida naftaada kor u qaadi karto
Powered by Blogger.