Maxaa Keena HANJABKA?
Maxaa Keena HANJABKA?
Hanjabku waa in aad ka tanaasusho oo aad dib aad uga laabato go’aan aad gaadhay, meel aad rabtay
in aad gaadho iyo han aad noloshaada astaysatay, kuwaas oo ay kugu sababayaan duruufo kala
duwani; dadyow oo fara badan oo daafaha Dunidan ku kala noolna waa mid haysata dhibaatada
noocan oo kale ah, waxaanad arkaysaa dadyow badan oo ka tanaasulay shaqooyinkay hayeen iyo
waxay ku hamiyayeenba.
Dhallinyaro badan waxay leeyihiin mustaqbal widhwidhaya kaas oo aad ka dhex arkayso indhahooga
iyo firfircoonidooda, hankoogu heer sare ayuu gaadhsiisanyahay oo meel fogbay hiigsanayaan laakiin
jabkuba wuxuu ka dhacaa markay talaabo qaadaan ee ay ku guulaystaan se aanay u fiirsan
carqaladihii ku yimid siday uga gudbeen waxna aanay ka baran ee ay haddana talaabo kale isku
dayaan inay hore u qaadan; taas oo sababta in uu HANJAB ku yimaado,
Immisa qof ayaad garanaysaa oo hankoodii ka tanaasulay?
Immisa qof ayaad aragtay hiigsigoodii dib uga laabtay?
Immisa qof ayaad aragtay oo dib ugu laabtay halkii ay ka soo hanaqaadeen?
Immisa qof ayaad aragtay oo noqday kuwa ka baxay shaashadaha ka dib markii ay soo shaac baxeen
aragoodiina la waayay?
Markii aan tijaabooyin badan sameeyey ee aan baadhitaano kala duwana tijaabiyay Fikir ahaantayda
HANJABKA waxyaalaha sababa waxaan ku soo ururiyey 4 shay:
1: Iimaan Iyo Cibaado yari: qofku haddii aanu lahayn Iimaan uu ku aqbalo
waxa uu waayay inaan Illaahay (S.W.T) u qorin waxa ku imanay niyad jab
kaas oo sababaya inuu han-jabo oo uu aakhirkana ku biiro kuwa nolosha ka
dhacay iyagoo nool. Sidoo kale haddii aanu qofku Illaahay Cibaado badan u
samayn oo aanu ugu mahad naqin guushan uu gaadhsiiyey waxa hubaal ah
inuu hankiisa iyo waxqabadkiisuba noqonayaan qaar barakada laga qaaday
oo aan if iyo aakhiro toona anfaaci yeelanayn.
Waxa uu Illaahay inoo sheegay in haddii aynu u mahad naqno uu inoo
siyaadinayo.2: Amaan Badan: Qofku marka uu hawl wanaagsan qabto waxa uu
istaahilaa in la amaano oo la garab istaago laguna dhiiriyo inuu xagaa ka sii
wado hawsha fiican ee uu qabtay, laakiin dad badan ayay ku noqotaa
amaantaa badani carqalad oo mooda inay intaas ugu dhantahay, taas oo
sababta inay hawlqabadkoodii dhimaan caajis badana ku dhaco, Amaantu
yay ku hodin ee ha ku hogaamiso canaantuna yay ku dumin ee ha ku dhisto.
3:Canaan iyo dhaleecayn: Dad badan ayaa inta badan xaga taban wax ka
eega oo mar walba jecel in dadka wax qabtay dhaleecayn iyo canaan kula
dul dhacaan, si ay u joojiyaan una hor istaagaan horumarka uu samaynayo
qofkaasi; taas oo sababta haddii aanu qofku lahayn awood uu ku dhaafo oo
uu iskaga indho tiro canaanta iyo dhaleecaynta; ku noqoto mid cabsi badan
ku abuurta, taas oo ugu danbaynta riiqda hankii iyo himiladii shaqsigaasi
lahaa.
4:Dib u dhigasho iyo Wahsi : Dib u dhigashada iyo wahsigu waa colka ugu
wayn ee saameeya qofka bini’aadamka ah, qofba qofka uu ka dib dhigasho
badanyahay kana wahsi badanyahay ayuu ka dib dhacaa nolosha.
5: Joogtayn la’aan: Haddii aanad joogtayn in aad hawlqabadkaaga
horumariso, u diyaar garawdana guulo hor leh oo aad marba marka ka
danbaysa aanad awooddaada fikireed, maskaxeed iyo jidheedba aanad
dhisin; joogtayna ku sidkin, waxay kugu keenaysaa in aad Hanjabto oo aad
ku istaagto goobtaas aad soo gaadhay; uga danbayna hoos u dhaadhacdo.
Is dhigasho: kani waxaa xanuunka ugu way ee ku dhaca dadyow badan oo
noloshooda gaadhay horumar, waxa ugu wayn ee sababa ayaana ah inay is
mahadiyaan oo ay moodaan inay gaadheen figtii ugu saraysay, waxay
hilmaameen inaanay guushu ahayn mid sugan oo meel ku dhammaata!
Dedaalkuna uu yahay ka la isku dhaafay