Guushu waa socdaal aan dhammaad lahayn”

Hubanti, qofka raba in uu guulaysto waa u muhiim
in uu marka hore barto sida loo guulaysto. Taasi
waxay ka caawinaysaa in maankiisu uu u furo
weyddiimo dhowr ah sida: Anigu ma ogaan karaa
waxa aan u baahannahay? Maxaa muhiim ii ah
maxaase ii ahayn? Si aan u noqdo guulayste
liibaanay maxaa la iga doonayaa?
Tusaale, qofka guryaha dhisa ee aynu u naqaano
fuundi (wastaad), wuxuu garan karaa waxwalba oo
ay uga baahan tahay shaqadiisu sida shamiindo,
laamiyeeri, alwaax, musaabiir. Balse marka ay
timaaddo ku guulaysiga mashruuca horumarinta
nolosha, waynu iska jecelnahay in aynu iska
guulaysano annaga oo aan soo baran guusha aynu
baadigoobayno laftirkeeda.
Dadka intooda badan waxay rumaysan yihiin in
guushu tahay mid lagu gaaro ayaan iyo cawo
(nasiib), haddase taasi ma run baa? Tommy
Newberry6 oo ah qoraaga buugga ‘Guusha ma aha
lama filaan’ wuxuu ku caddeeyay in guushu aysan
ahayn wax mar keli ah iska yimaada, balse ay tahay
natiijo ka dhalatay doorasho iyo sabab.
Sideedaba, guusha aynu raadino maneheedu,
maansawireedkeedu iyo hummaageeduba waxaynu
ku haysanaa maanka gudahiisa. Tusaale, markii aadjaamacadda dhammayso waxaad ku hamminaysaa
in aad hesho shaqo, in aad guursato gabadhii aad
nabdiga ku haysatay, in aad gadato guri iyo gaari.
Iyada oo sidaas ah, haddana runta madaxbannaani
waa in aadan weli helin wixii uu maanku
mutuhinaayay. Waase gaari kartaa waa haddii aad u
halganto, sidoo kale garato dulucda guusha aad
dalbanayso
Powered by Blogger.