Maxaa keena wahsiga

Maxaa keena wahsiga?
Rabitaanka nafta oo ah in ay seexato, cunto, cabto, oo aynan
waxba qaban waxay raalli galiysaa shaydaanka, heshiiska labadani
wuxuuu kuu horseedaa
1: Nafta oo hagaanka kuu qabata, maxaayeelay naftu majecla
rafaadka shaqada, gaajada, hurdo la aanta I.w.m.
Haddi aad naftaada xagamayn waydo oo ay hoggaanka ama
majaraha kuu qabato, suurto gal ma aha in aad ku dhaqaaqdo wax
aysan raali ka ahayn, taasina waxay kuu horseedaysaa wahsi
joogta ah iyo wax qabad la'aan, illaaa aad ka noqoto qof u nool
kaliya cabidda iyo wax cunidda.
2: Qorshe la'aan: dad badan ayaa waxay ku nool yihiin nolol bilaa
qorshe ah, taas oo ka dhigta in aysan dhadhamin macaanka
nolosha oo ay noqdaan kuwo mar kasta kalifan, qaxar iyo dhib ku
jira haddana aan qaban wax hawl ah oo la taaban karo.
Waxyaabaha u badan ee bulshadeenna ku keena wahsiga waa
qorshe la'aanta, iyagoon hawsha eegin qorshe lagu yar yaranayo
aan samayn siday u kala culus tahay aan ogayn, si loo kala
hormariyo aan war ka hayn, ayay iska dhex cararaan taasina
waxay ku sababtaa wahsi, quus iyo fashil joogta ah.3: Dib-u-dhigashadu: waa ficillo u la kac ah oo aan gadaal ugu
dhiganno hawlaha innoo yaalla.
Dib-u-dhigasho waa inaad dib u moostaa hawl kuu qorshaysnayd
inaad qabato wakhti cayiman, iyadoo ayna jirin wax sabab ah oo
keenay dib u dhigaas, illaa ay kagaadho heer ay hawluhu bataan
naftuna kugu qanciso ma qaban kartide iska dheerayso barkinta.
Saamaynta dib-u-dhigashada waxaa kamid ah hawlaha la qabto
way kala darojo hooseeyaan ama kala dhib yar yihiin haddii aan
raacno hawada nafta waxay doorbidaa qabashada hawlaha fudud,
wakhtiga yar u baahaan, aan dhibka badan lahayn, ee lagu dhex
nasan karo. Halka ay naftu jeceshay in dib loo dhigo hawlaha
culculus ee xiiso nafeeddu ku yartahay. Hawl kasta oo daba
martaa wakhtigii loo qorsheeyay, waxay noqotaa mid caqabad
abuurta marka danbana wakhtiga ku cidhiidhida ama kaa lumisa
wakhtiyo kale oo aad hawlo muhiim ah ku qabsan lahayd,
waxaana dhacda inay dib u xallinteedu adkaato ama lunto.
Mar kasta oo aan cududaar u helno dib-u-dhigidda hawl maanta
inoo taalla si aan barri qabano, waa xilliga aan ku sii anbanayno
dariiqaan ka gali lahayn xaydaabka wahsiga. Goortaan baranno sida loo joojiyo dib-u-dhigashada aan loo
baahnayn waa marka aan helnay jihadii iyo waddadii aan ooga
bixi lahayn xaydaabka wahsiga iyo dib-u-dhigashada.
Hawl kasta oo dib loo dhigaa waa mid keenta in laga daallo ugu
danbayna lagu guul daraysto.
4: Shaqo la'aanta (bilaa camalka): Shaqo la'aantu waa waxyaabaha
ugu badan ee qofka ku keenta wahsiga iyo cago jiidka, waayo
shaqadu waa shayga kaliya ee qofku ku dareemo isku filaansho
iyo daganaan maskaxeed.
Haddii aanad wax camal ah haynin wax walba wuu kugu
adkaanayaa ugu danbayntana isku buuq iyo kalsooni darro ayaa ku
gu dhacaya ku guna keeni kara wahsi tiro beel ah.
5. Kalsooni darro: Kalsoonidu waa awoodda uu qof ku qaban karo
shaqo kuna hawl gali karo, taas oo u saamaxaysa qofka inuu
noqdo mid dagganaani ka muuqato mar kasta oo uu hawlgalayo.
Kalsoonida qofku mar kasta oo ay yaraato waxa ku dhaca cabsi,
wahsi iyo u habrasho hawlo badan oo uu qaban karo, taas oo ugu
danbayn qofka ku keenta wahsi aad u badan.6. Xidhiidhka naftaada aad la leedahay oo yaraada. Inaad naftaada
xidhiidhkeeda xoojiso oo aad la sheekaysato dareentana
cabashadeeda oo aad fahanto waxyaalaha caqabada ku noqon kara
iyo waxyaalaha u wanaagsan, waxay kuu saamaxaysaa innaad isla
jaanqaadi kartaan adiga iyo ruuxdaadu, taas oo kuu horseedaysa
guul, mar kasta oo uu yaraado ama joogsado xidhiidhka aad la
leedahay naftaada waxaad dareenta xannuuno nafsaani ah sida:
Shaki badan, isku buuq, kalsoori darro iyo fikir aan jiho lahayn.
7. Cibaado yari: Qof walba oo muslim ahi hantida ugu qaalisan ee
uu haystaa waa limaanka, cibaadaduna waa shayga kaliyaata ee
lagu kobciyo iimaanka. Haddii aad yarayso xidhiidhka aad Ilaahay
la leedahay waxa ku fuulaya wahsi joogta'a, daal badan, walbahaar,
isku buuq, cabsi aan la garnayan meel ay ka timid, daganaansho la
aan iyo wax yaallo kale oo badan.
Powered by Blogger.