FAGAARA KA HADALKA (Public Speaking) Qeeybta 1

FAGAARA KA HADALKA (Public Speaking)


Fagaare Ka Hadalku waa khibrad, khibradaaso ah xeelad dadka lagu soo hor
istaago isla maraana loogu gudbiyo hadba arin jira ama xaalad taagan xiligaa.
Khibradan waxa yaqaan dad kooban oo aan badnayn marka logo dadka dunida,
isla markaana waxa tiro beel ah dadka aan awoodin inay dad ka hor hadlaan oo
lagu qiyaasay ama gaadhaya 75% dadyow ah.
Inta ka soo hadhay tiradaa waxay awoodaan dadka inay la hadlaan, wallow ay is
dheer yihiin xirfado iyo waayo aragnimooyin kala duwan.
Marka loo eego wadamada horumaray iyo dadka yaqaan xirfadan iyo inaga waad
dareemay karay intaynu isu jiri karo, mase jiraan qiyaaso ama tirakoobyo
xadidan oo arinkaa laga sameeyey.
Fagaara ka hadalku waa shay u mihiim ah nolosheena, isla markaana udub
dhaxaad u ah hawlo badan oo aynu nolosha u baahanayno.
Sidaa awgeed waxa laga maarmaan noqonay inaynu dadaal galino sidii aynu u
noqon lahayn dad awood u leh inay dad wax u sheegi karaan, wallow ay jiraan
dad aan aaminsanayn muhiimada arinkani u leeyahayAfka iyo dad la hadalku waxay qayb muhiima kaa siinayaan nolosha iyo is
badalada mar kasta dhacaya inaad ka qayb noqoto, hadii aad dadaashana
waxbaaba lagaa waydiin doona hadba xaalada aduunyadani maray iyo is
badalada badan ee socda.
Khibrada dad ka hor hadalka dadka yaqaan waa dad cadkooda goosan kara,
iyagoo maalaya awoodaas dad qancineed ee ay leeyihiin.
Badanaa dadka yaqaan fagaara ka hadalku waxa kale oo u raaca inay yaqaanan
doodaha iyo qancinta, iyagoo sameeya habab kala duwan oo arinkan ku saabsan
una adeegsada noloshooda caadiga ah.
Sidaa awgeed waa muhiim inaad xirfadan barato qof ahaan adigu, kadiba aad la
wadaagto kuna kabto kumanaanka kale ee quustu qalbiyadoodu biyo dhigatay.
Si loo helo dad dhisan oo dhinac walba ka xoogani waa shaqo inoo wada taal oo
aan fasax lahayn.
 MUH
Powered by Blogger.